Dagaalkii labaad Ee Adduunka iyo xaaladda Ukraine oo la is barbar dhigay

Wasiirka Gaashaandhigga ee Britain, Ben Wallace, ayaa sheegay in dedaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan dalalka Galbeedka si looga baaqsado in Ruushka uu ku duulo Ukraine, ay la mid yihiin kuwii looga hortagayay dagaalkii labaad ee dunida.

Wallace ayaa u sheegay wargeyska Sunday Times ee ka soo baxa London in xaalku hadda marayo sida maalmihii ugu dambeeyay ee lagu qancin rabay nidaamkii Naziga Jarmalka in uusan billaabin dagaalka. Mr Wallace ayaa sidoo kale sheegay in weerarku uu yahay mid aad u macquul ah uuna iman karo “wakhti kasta”.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ay Sabtidii telefoonka kula hadleen madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Madaxweyne Biden ayaa Putin u sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay dhaqaalo ahaan wiiqi doonaan Ruushka haddii uu billaabo duulaanka. Ruushka ayaa dhankiisa ku doodaya in xukuumadda Washington ay ku guuldaraysatay wax ka qabashada walaaca amni ee ay qabto Moscow.

Ruushka ayaa ciidan ka badan boqol kun oo askari iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku daabulay xuduudda uu la wadaago Ukraine, waxaana taasi ay abuurtay walaac ah in duullaanka uu billaaban karo xilli kasta.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in halista dhaw ee ka dhalankarta tallaabada Ruushka uu doonayo inuu ka qaado Ukraine ay qiil u samaynayso dadka laga daabulay safaaradda Mareykanka ee Kyiv.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii madaxweynaha Ukraine uu dadka ugu baaqay inay isdajiyaan, isagoo sheegay in cadawga ugu wayn ee ay wajahayaan u yahay cabsida.