Mudaaharaadyadii Canada oo faraha ka baxay xirayna Ganacsigii

Dibad-baxayaal badan ayaa lagu soo warramayaa inay mar kale soo buux-dhaafiyeen meel u dhow buundada Ambassador, taasoo isku xirta gobolka Kanada ku yaalla ee Ontario iyo gobolka Michigan ee dalka Mareykanka.

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleestay in ay goobta ka saaraan gawaari waaweyn oo kuwa xamuulka qaada ah balse waxaa wali halkaasi ku sugan tiro yar oo gaadiid ah. Warbaahinta Canada ayaa sheegtay in boqollaal dibadbaxayaal ah oo qaarkood ay caruur wataan ay haatan ku sugan yihiin meel waddo ah oo ku taalla magaalada Windsor.

Ismariwaaga ayaa sii socda xitaa ka dib markii maxkamad ay Jimcihii amartay in la joojiyo banaanbaxa. Xayiraadda ayaa saamaysay ganacsiga iyo isu socodka saadka.

Warshadaha ayaa ka cawday in ay khasaaraan malaayiin dollar maalintii. Duqa degmada (Windsor), Drew Dilkins, ayaa sheegay inay gaareen meeshii ugu dambeysay.

Goobtan la isga gudbo ee xadka ku taallaa inay sii xidhnaato ma doonayno waa goobta ugu mashquulka badan Woqooyiga America ee u dhaxaysa Canada iyo Maraykanka. Maalin kasta sideed ilaa toban kun oo baabuurta xamuulka ah ayaa biriishkan ka gudba badeecadaha ay sidaan waa qiyaastii afar boqol oo milyan oo doolar maalintii qiimahedu. Markaa waxa sidoo kale noloshoodu ku tiirsantahay boqolaal kun oo qoys oo xadka labadiisa dhinac ku kala nool dadkaasna way saamaysay arintu noloshoodii mana aha wax fiican.”

Waxa uu sheegay in isu imaatinka uu isu bedelay bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo siyaasadaha dowladda, isla markaana ay boolisku ka taxadarayaan inay iska hor imaadyo kala kulmaan ka qaybgalayaasha.

In kasta oo dadka qaar ka mudaharaadayaan sharciga talaalka iyo af-saabka hadana waxaan anigu ku tilmaami lahaa mudaharaadkan mid toos loogaga soo horjeedo dawladda oo si xidhiidh ula leh mudaharaadada ka dhacay marka ay madaxda dalalaka G7 ama G20 ay shirayaan oo kale. Markaa boolisku waxay isku dayayaan in ay intii suurto gal ah wax u kala hagaan, waayo waxa muuqata in qoyasas badani caruurtoodii goobta keeneen markii ay maqleen in boolisku goobta yimi taasina arintii bay sii cakirtay,” ayuu yrir

Dhaqdhaqaaqa isku magacaabay “Kolonyada Xoriyadda” waxaa bilaabay gaadiidleyda reer Canada oo ka soo horjeedda amarka tallaal-ama-karantiil ee darawallada ka soo gudbaya xadka.

Amarka maxkamada Jimcihii ee ka dhanka ahaa xannibaadda ayaa waxaa soo gudbiyay magaalada Windsor iyo Ururka Warshadaha Soo saara Gawaarida, kuwaas oo ku dooday in ay maalintii luminayaan lacag dhan $ 50 malyan oo doolar maalintii.

Amarkaas ka dib, Booliiska Windsor waxay soo saareen bayaan ay ku muujinayaan “in bannaanbaxayaashu si cad u ogaadaan inay dembi tahay” in la xannibo soohdinta. Booliska ayaa intaa ku daray in dambiga lagu xukumo uu horseedi karo in la qabto baabuurta iyo in ay awoodi waayaan in ay galaan Mareykanka.

Laakin saacado ka dib, dad aad u fara badan oo kor lulaya calanka Canada ayaa jebiyay amarka waxayna sii wadeen xanibidda buundada.

In kasta oo ay booliisku guulo hordhac ah ka gaareen nadiifinta waddada Sabtidii, haddana taageereyaal badan ayaa soo gaaray goobta ilaa ay mar kale ka tiro bateen askartii isku dayeysay in ay dadka kala eryaan.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan mudaaharaadayaasha inay si sharci ah [oo] nabad ah u dhaqmaan,” booliiska.

Boqolaal kale oo dibedbaxayaal ah ayaa weli mudaaharaad ka dhigaya bartamaha magaalada Ottawa ee caasimadda dalkaasi. Laba jid oo kale oo laga soo galo xadka Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa xannibay bannaanbaxayaasha ka soo horjeeda amarka tallaalka.

Raysal wasaare Justin Trudeau ayaa ayaa jimcihii kala hadlay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden go’doominta xuduudaha.

Dhibaatada muddada toddobaadka ah ka taagan buundada, ayaa horseedday in qiyaastii 25% ganacsiga iyo badeecadaha Mareykanka iyo Kanada, ay khakhalaan.

Warshadaha gawaarida soo saara sida General Motors, Ford, Toyota iyo Honda ayaa lagu qasbay inay joojiyaan wax soo saarkooda oo ay baajiyaan isbedelada shaqada sababo la xiriira qaybo ka mid ah gabaabsi ay sababtay xannibaadda.

Xigasho:-BBC.