Shabaabkii fuliyay Dilkii Jamaal Faarax Aadan oo qirtay falkaas

Waa war weyn oo lagu farxo in Ciidamada Puntland ay ku guulaysteen qabashada Alshabaabkii dilay Jamaal Faarax Aadan.

Sidoo kale in Maxkamad lasoo taago oo ay qirtaan danbigaas Labo ka mid ah Ragii dilka fuliyay waa shaqo guul ku dhamaatay.

Saacadaha soo socda,ayaa la shaacin doonaa sida ay udhacday Maxkamadaynta Ragaas.

Jamaal,waxuu ka mid ahaa haldoorka Puntland ee argagixisadu laysay.

Laamaha amaanka Puntland qaybtooda Mudug shaqo adag ayay qabteen.