Baaq ku wajahan Boqor Burhaan Boqor Muuse

Colaada ka jirta Sangajabiye waa Sanad jirsatay.

Ilaa iyo hada xal waara waa loo la’ yahay,waxaana dibindaabyo kuwada Aaran-jaan.

Reer Nugaaleed iyo reer Sool waa ku filnaan waayeen xalinta arinka Sangajabiye iyo Saaxa Meygaag.

Waxaa baaqday kulan weyne loo balansanaa oo ka dhici lahaa Garowe.

Aaran oo xumaynaya jifida Maxamed Ugaar ee Abokor Ciise,ayaa dhaqaale iyo Hub siinaya Jifida Xasan Ugaas ee Boocame,taasoo keentay in xal la gaari waayo.

Hadaba arinkan waa fursan waayay in Boqorka Daarood soo farageliyo oo toos ula wareego xalinteeda sida ugu deg-dega badan.

Inta xaalku uusan markale ka bixin gacanta waa in Boqor Burhaan u istaaga oo Aaran-jaan laga qabtaa isku dirka Beelahaas.

Jibril Qoobey.