Cali Yare Cali oo laga celiyay Garoonka Aaddan Cadde

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa maanta laga celiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cali Yare iyo ciidan uu watay oo ku wajahnaa Magaalada Guriceel ayaa loo diiday inuu Garoonka ka dhoofo.

Ciidamada Nabad-Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u diiday inuu ka dhoofo Garoonka, waxaana ugu dambeyntii baaqday safarkiisa oo si weyn looga diyaar garoobay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Lama sheegin sababta loo celiyay Cali Yare iyo ilaaladiisa. Waxaa la aamisan yahay inuu u socday magaalada Guriceel si uu u sameeyo olole la xiriira kursiga HOPP#147.

Shalay ayay marikii is hortaagg lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Baraawe.