Dhuusamareeb oo lagu doortay Mucaarad iyo Mu’ayid

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiya xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa maanta loo doortay inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kale ah musharax madaxweyne, ayaa kusoo baxay doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb oo loo galay kursiga HOP#138 kadib markii ay tanaasushay Naciimo Xuseen Cali oo sidoo kale u sharaxneyd kursiga.

Kadib tanaasulkaas ayaa cod gacan taag ah loo qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana u codeeyey dhammaan 86-kii ergo ee fadhiyey hoolka, doorashada, sida uu sheegay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug.

Cabdiraxmnaa Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan u mahad-celinayaa beesha kursiga HOP#138 ku asteysan iyo shacabka Dhuusamareeb masuuliyadda ay ii xusheen iyo xilka ay i saareen. Waa bilawga guusha.”

Dhinaca kale, Cabdullaahi Aadan Kulane oo ka mid ah saraakiisha NISA ayaa isna xildhibaan loogu doortay magaalada Dhuusomareeb kadib markii sida la sheegay uu u tanaasulay msuharrax Xasan Cabdi Jaamac.

Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 101 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug.

Kulane ayaa ka mid ahaa saraakiisha NISA ee lagu eedeeyey kiiska gabadhii NISA ka tirsaneyd ee la waayey ee Ikraan Tahliil Faarax, waxaana markii dambe xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo baaritaan sameysay ay sheegtay in la waayey wax caddeymo ah oo isaga iyo saraakiisha kale la xiriirinaya kiiskaas.