Garbahaarey oo laga wareejinayo Doorashada 16-ka Kursi

Dowlada Jubaland,waxay shaacin doontaa halka lagu qaban doono Doorashada16-ka Kursi.

Kuraastan,ayaa qorshaysnaa in ay Doorashadoodu ka dhacdo Garbahaarey.

Balse qiimayn ay sameeyeen Gudi uu Shir Gudoon u ahaa Madaxweyne xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ay xubno ka yihiin Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Gedo,ayay kusoo gudbiyeen 7-Qodob oo aysan macquul ku ahayn in Magaaladaaa Doorasho ku qabsoonto.

Sida la filayo Baarlamaanka Jubaland,ayaa go’aamin doona halka loo wareejin doono Doorashadii 16-kii Kursi ee Garbahaarey.