Maxaad kala socotaa Dibindaabyada Aaran-jaan Ee reer Garowe?

Guri ka mid ah Guryaha kooxda Aaran-jaan oo Qaboojiyihiisa Biyaha ka imaanaya ay Shacabka Garowe Weel uhoorsanayaan Abaarta iyo dhaqaale yarida taagan darteed..!!

Aaran dhibka ugu weyn waxay ku hayaan Shacabka Garowe markii loo eego Shacabweynaha kale ee reer Puntland.

Garowe Dadku inta badan,waxuu dhaqdhaqaaqa nololeed ka furdaansadaa hawlgalka Dowladeed ee ka socda.

Aaran,iyagoo taas ka duulaya waxay ciriiri geliyeen helida fursadaha,waxayna ufududeeyaan Qofkii iyaga daba socda.

Nabadoon walba oo Jifi reer Garowe ah horjooge u ah waxay ushaqaalaysiiyaan Wiil ama Gabar uu ka helo Biilka reerka.

Hotelada iyo Maqaaxiyaha Cuntada ka jira Garowe,waxaa loo kala siiya fursadaha Siminaaraada iyo Martida imaanaysa sida ay ugu kala baarisan yihiin Aaran-jaan.

Dhalinyarada mihnada Saxaafada ku shaqaysata ee Garowe,waxaa loo abaabulay koox-kooxo ka kala qaata Mushahaaraadka Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Dowlada.

Guud ahaan qorshahaas waa mid ku dhisan in Qofkii taabacsan Boqortooyada Shayaadiinta uu noolaado kii kalana waa in uu dhintaa.

Fursadan reer Garowe lagu bahdishay,waxaa Aaran usahley saamaynta muuqata ee ay ku yeesheen Madaxweynaha.

Sawirkan,waxuu si cad uga turjumayaa xaalka Dalka ka jira.