Shir looga xaajoonayo Abaaraha oo ka dhacay Gobolka Mudug

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shir-gudoomiyey Shir ay isugu yimaadeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa warbixino la xiriira Abaarah Degmooyinka iyo Deegaanada hoos yimaada ka dhagaystay Gudoomiyayaasha Degmooyinka, intaasi kadib shirkan oo mudo socday ayaa ugu dambayntii waxaa laga soo saaray Qodobadda hoos ku xusan.

Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Gobolka oo shir Gudoominayey.

  1. In loo Balamo Shir Guud oo ay isugu yimaadaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Hay’adaha Gudiga Abaaraha iyo Gobolka
  2. In dibu dajin loo sameeyo Dadkii usoo barakacay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Mudug ee ka yimid Gobolada kale ee Dalka ee Abaartu aamaysay.
  3. Dhamaan Deegaanada hoosyimaada Degmooyinka Gobolka Mudug in lala Gaaro Daawo, Biyo, Cuno, iyo Dawada Xoolaha oo ah baahida ugu wayn.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG