Wasiirada Maaliyada iyo Arimaha gudaha oo hor tagey Gudiga Joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland

Garoowe: Febraayo 14, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dimoqraadiyadda isagoo Guddigu wax ka waydiiyey arrimo la xiriira dhismayaasha gollayaasha deegaanka, cabashada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Bajaajka, lacagaha laga qaado dhulka ee loo qoondeeyo danta guud iyo hanaanka geedi-socodka dimoqraadiyadda Puntland, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, Guddigu waxay Wasiirka kula dardaarmeen in la xoojiyo hanaanka maamul-daadejinta iyo gaarsiinta adeegyada degmooyinka.

Dhinaca kale, fadhiga maanta waxaa Guddiga joogtada ah horyimi Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, isagoo guddiga joogtada ah la wadaagay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga Puntland. Intaas kadib, waxay Guddigu Wasiirka wax ka wadeydiiyeen amniga dalka, habdhaqanka ciidanka iyo cabashadii laga qabey lacagaha lagu qaado Xafiiska baarista denbiyadda (CID).

Ugu dambeyn, dood dheer uu guddiga joogtada ahi ka yeeshay arrimaha kor ku xusan ayaa waxay sidoo kale warbixin ka dhageysteen Guddi gaar ah oo loo xilsaaray soo gudbinta warbixin la xiriirta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland