Baarlamaanka Itoobiya oo laalay Xeerkii Xaalada Deg-dega

Golaha Wakiillada shacabka ayaa laalay bayaankii xaaladda deg-degga ee 3-dii bilood ee la soo dhaafay dalka ka jiray.

Golaha wakiillada shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay bayaankii tirsigiisu ahaa 1264/2014 ee xaaladda deg-degga ah loogu soo rogay dalka.

Wasiirka dowladda u qaabbilsan golaha wakiillada mudane Tasfaye Baljage ayaa sheegay in bayaanka loo qaaday maaddaama loo arkay in ay hoos u dhacday xaaladdii looga baahnaa bayaanka ee xaqiijinta sarreynta sharciga taasi oo uu sheegay in lagu xallin karo maxkamadaha iyo sugidda sharciga.

Dhinacooda qaar ka mid ah xildhibaannada golaha wakiillada shacabka ayaa sheegay in aynan wakhti xaadirkan ahayn in la qaado xaaladda deg-degga ah sababta oo ah maaddaama kooxda TPLF ay weerar ku hayso Deegaanka Canfarta sida oo kalena diyaargarow ugu jirto in ay soo weerarto Deegaanka Amxaarada.

Taas cagsigeeda xildhibaannada golaha wakiillada shacabka intooda badan ayaa taageeray in la qaado xaaladda deg-degga ah, waxa ayna sheegeen in bayaanku uu ahaa mid waxyeellaynaya karaamada dalka.

Codkii loo qaaday in la laalo bayaanka xaaladda deg-degga ayaana si aqlabiyad ah loogu codeeyay.

SRTV Somali