Madaxtooyada Puntland oo udigtay Wasiir Dhabancad

Dhabancad waxay Madaxtooyadu usheegtay in uu joojiyo abaabulka Wiilka Agaasimaha ka ah Wasaarada Duulista Hawada.

“Xoosh,waxuu nagu yahay khatar oo waxuu nagu soo jeediyay Bulshadii,waxaana fursad ka helay mucaaradkii,sidaa daraadeed ka fogow gadaal ka riixiisa”Ayaa lagu yiri Dhabancad.

Dhabancad,waxuu Aaran uga eg yahay ku mashquulka hoose ee ku dhisan Xinka.

Shaqada iyo dhaqaalaha ugu badan,waxuu ku bixiyaa kala ilaalinta Madaxweynaha iyo haldoorka Cumar Maxamuud.

Ujeedadiisu waa in uusan masraxa soo fuulin Qof isaga qarin kara ama lagu badalan karo.

Dhabancad,waxuu u arkaa Xoosh Wiil Suufi ah oo aan maqaam weyn lahayn oo aan isaga la leebal ahayn,waana sababta uu ula raadinayo Kursiga Xildhibaan.