Maraykanka oo ugu deeqay Abaaraha Itoobiya ka jira Malaayiin Dolar

USAID,ayaa sheegtay in ay ku deeqday in ka badan 39 milyan oo doolar si ay uga jawaab-celiso abaaraha ku dhuftay Itoobiya.

Hay’adda aan dowliga ahayn ee dowladda Mareykanka u qaabbilsan horumarka caalamiga ee loo soo gaabiyo USAID ayaa ku deeqday in ka badan 39 milyan oo doolarka Mareykanka ah si jawaab deg-deg ah ay uga bixiso baahida dadka ku waxyeelloobay abaaraha, iyada oo lagu baaqayo in shacab ay tiradoodu dhan tahay 6.2 milyan u baahan yihiin cunno deg-deg ah sannadani 2022.

Astaamaha abaarta ayaa si weyn uga muuqda koonfurta iyo koonfur-bari Itoobiya iyada oo ay jiraan biyo-yaraan, dhimashada xoolaha iyo cunno-yaraan.

Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP) oo deeq ka helaysa hay’adda USAID ayaa caawimaad toos ah u fidisa in ka badan 1.6 milyan oo qof.

Dowladda Mareykanka ayaa ah dowladda ugu horreysa ee deeqaha ugu badan siisa Itoobiya iyada oo sannaddii 2021 kali ah dowladda Maraykanka Itoobiya ugu deeqday 1 bilyan oo doolaar taasi oo ay u soo marisay hay’adda samo-falayaasha ee kala duwan.

xigasho:-SRTV.