Qoor-qoor oo kulan siiyay Rag ay adkayd in ay kulmaan

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye,ayaa kulan ujeedkiisa lagu sheegay iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Agaasime ku xigeenkii hore Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Talyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Xildhibaan Saadiq Cumar Xasan John oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

kulankan oo iska ahaa mid guud oo saxaafada la tusayay,ayaa Dad badan oo shacab ah dareen ku dhaliyay.

Qoor-qoor,waxuu uga dan lahaa kulansiinta Ragan aadka ugu kala fogaa Siyaasada 4-tii sano ee lasoo dhaafay in uu isku muujiyo hogaamiye culus oo isku wadi kara Dad kala duwan oo kasoo wada jeeda Galmudug.

Si gaar ah Saadiq John,waxuu ahaa Talyihii watey Ciidankii weeraray Gurigii C.C.Warsame kuna dilay 6-da Askari soona xiray Cabdiraxmaan oo gacan laga jabiyay.

Balse xaqiiqdu waxay tahay in Doorashada C.C.Warsame oo beeshiisa degta Dhuusamareeb ay ku dagaalamaysay uusan Qoor-qoor waxba ka badali karin.