Xeer ilaaliyaha G.Nugaal oo ku been abuurtay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Puntland

Shilkan,waxuu ka dhacay Garowe 15 -11-2021.

Gaari Dhayna ah,ayuu seed khaldan ka soo baasay kadibna waxuu ku dhacay Bajaajta muuqata.

Taraafikadu waxay kasoo saareen Qiimayn cadayn ah oo ku aadan Shilkaas.

Balse Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal,ayaa arinkii si khaldan usoo faragaliyay oo sharciga baalmarsan.

Wuxuu soo saaray Warqad been abuur ah,isagoo iska dhigaya Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland.

Ujeedka Xeer ilaaliyaha Nugaal,waa in uu majara habaabiyo Shil ay gungaarkiisa soo gudbiyeen taraafikada,isagoo iska dhigaya xeer ilaaliyaha Guud.

Xeer ilaaliyaha Guud oo aan waydiiyay waa iska fogeeyay Warqadaas iyo kiiskaba in uu galay.

Kaaga sii darane Warqada lagu been abuuranayo Xeer ilaaliyaha Guud ee uu soo saaray Xeer ilaaliyaha G.Nugaal ,waxaa Cinwaankeeda ku qoran xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal, saxiixeeduna waa xeer ilaaliyaha Guud, shaabaduna waa mida xeerillahiyaha Gobolka Nugaal.

Waa wax la yaab leh Warqad aan kasoo bixin Xeer ilaaliyaha Guud in Xeer ilaaliyihii G.Nugaal samaysto sida xarumaha Cabdalle Shideeye oo ku dhiirado ku tumashada sharciga !!

Sidoo kale,waxaa ilhaamo ah 23-sano kadib Xaafiisyada Xeer ilaalinta Puntland in ay Dad noocaas ah masuuliyiin ka yihiin Warqado sidaa u ceebaysana ay kasoo baxi karaan.

Jibril Qoobey.