Puntland:-Imaanshaha Deni Ee Bosaso oo si weyn loo sugayo

Shacabka Bosaso si weyn ayay usugayaan imaanshaha Madaxweyne Deni.

Sababta ugu weyn ee Shacabku u eegayaan dhanka Garowe iyo wax kasoo socdaa waa soo afjarida jawiga cakiran ee Bosaso si dhamaystiran.

Niyada Dadku ma degana,waxaana ku taagan wal-wal weyn oo ay markale ka cabsi qabaan in lays afgaran waayo oo dushooda laysku hardiyo.

Bulshadu waxay rabtaa deganaan dhamaystiran iyo xal kama danbays ah oo laga gaaro arinka PSF.

Weli,waxaa Magaalada daafaheeda jooga Ciidamadii Daraawiishta.

Sidoo kale Xaafadaha Laanta Hawada iyo Alridwaan Dadkii deganaa kuma noqon oo waxay barakac ku yihiin Xaafadaha kale ee Magaalada.

Deni Shacabka Bosaso waxay uga fadhiyaan in uu soo afjaro colaadii uu bilaabay.

Jibril Qoobey.