Qaramada Midoobey oo ugu baaqday Madaxda Somalida in ay dadajiyaan Doorashada

Isagoo maanta magaalada New york warbixin kooban ku siinayey Golaha Ammaanka, ayuu Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hannaanka doorashada, isagoo xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada kuraasta hartay.


Waxa uu sheegay in madaxda Somaliya looga baahan yahay inay laba jibaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda Haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo, sida wakiilku ka sheegay shirka Golaha Amaanka.

Hadalkiisa waxa uu Ergaygu ku boorriyay Madaxda Somaliya in ay meel iska dhigaan khilaafka, kana shaqeeyaan danta dhammaan shacabka Somaliyed, soona gebagebeeyaan doorasho lagu kalsoonaan karo, isla markaana dib diiradda loo saaro dadaallada mudnaanta qaran leh sida amniga, dawlad- dhiska iyo horumarka.


Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan wuxuu maanta u sheegay Golaha Ammaanka in ay Soomaaliya ay ka jiraan abaaro ba’an oo masiibo bini’aadannimo ay oo ka dhalan karto, isagoo xusay in loo baahanyahay in la kordhiyo gargaarka degdeg ah si dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada u helaan gargaar naf-badbaadin ah.