Qorshe markale Bosaso khatar gelin lahaa oo Deni ka hor tagey

Markale ayay isku dayeen Gallan iyo Xasan Shire oo adeegsanaya Aamin Xaaji Khayr iyo Talyaha Qaybta Booliska Bari in ay Bosaso colaad geliyaan.

Waxay amreen in Ciidan gaaraya 300 oo iskugu jira Boolis,Daraawiish iyo Badda lagaliyo gudaha Magaalada Bosaso.

Ciidankan waxay umagac baxiyeen xoojinta amniga gudaha Magaalada Bosaso.

Saraakiisha Ciidanka Badda,ayaa ka hor yimid qorshahoodii oo diiday in ay Ciidan ku daraan.

Markii danbe arinkii,waxuu gaaray Madaxweyne Deni,isagaana diidmo qayaxan saaray qorshihii Xasan iyo Gallan.

Dhanka kale Bosaso weli,waxaa Saldhigyadeeda ku xiran Ardaydii Jaamacadaha,Ganacsato iyo Haween la qabqabtay Habeenadii Qaraxyada.

Dadkaas,waxaa xir-xiray Aamiin iyo Talyaha Qaybta,ilaa iyo hada lama hor keenin Maxkamad lamana sii deyn.

Deni Bosaso xal ayay ka rabtaa dhamaystiran.

Jibril Qoobey.