Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum oo looga digay in ay la galaan heshiis kooxda Farmaajo

Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,waa in ay joojiyaan ku lug lahaanshahooda heshiisyada aan sharciyada haysan ee Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka idlaaday.

Heshiis kasta oo aad la saxiixataan Maamulka Farmaajo ee Sanad ka hor lumiyay sharciyadii uu Dalka ku hogaaminayay,waxa uu noqonayaa mid bura.

Waxaa jira koox ka wakiil ah Dowlada wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo oo wada dadaal ay Shirkadahaas ku tartarsiinayaan in ay heshiis la galaan.

Shirkadahaas oo ka faa’idaysanaya kooxdan,ayaa danaynaya heshiis qiimo jaban ah in ay kala haraan Dowlada aan sharciyada haysan ee Farmaajo.

Liberty Petroleum and Coastline Petroleum markale,waxaa loogu baaqayaa in aysan lumin sumcadooda !!!