Faahfaahin socdaalka Madaxweyne Deni Ee Bosaso

Madaxweyne Deni,waxuu tagayaa Bosaso,isagoo ku degi doona Saldhiga Ciidamada Badda Puntland.

3-beri oo uu Doorashada ku qabanayo,ayuu joogayaa kadibna waa kasoo baxayaa.

Inta uu joogo in uu la kulmo Isimada Bari way ubadan tahay hadaysan wax isbadalin.

Ma kulmi doonaan isaga iyo PSF qorshihiisana kama mid ah in uu arinkaas soo afjaro dhibkiisa.

Ujeedkiisa ugu weyn waa siduu ula soo bixi lahaa 16-ka Kursi ee Bosaso yaala.

Doorashadu waxay ka dhacaysaa Garoonka Diyaaradaha Bosaso Teendho laga taagay oo Ciidan xoog leh lagu wareejiyay.

Balse wax walba waxay ku xiran yihiin sida isaga iyo Isimadu ukulmaan iskuna afgartaan.