Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Qandaraas Wiilkiisa la siiyay

Madaxweyne Deni,waxuu dhagax dhigey shaqo uu qaban doono Wiilkiisa.

Dhisme cusub oo loo dhisayo Wasaarada Warfaafinta Dowlada Puntland,ayuu Maanta dhagax dhigay Madaxweyne Deni.

Wasaarada Warfaafinta,ayaan lahayn dhisme ugaar ah oo casri ah si la mid ah inta badan Wasaaradaha kale ee Puntland.

Shirkada Maandeeq ee uu leeyahay Wiilka Madaxweynaha ee haysata Qandaraasyada inta badan Puntland,ayaa dhisaysa dhismahan.

Wiilka Madaxweyne Deni,waxuu leeyahay dhawr Shirkadood oo magacyo kala duwan leh oo uu ku qaato Qandaraasyada.

Looma tartamo xili xaadirkan Qandaraasyada Dowlada Puntland oo waxaa toos uqaata Wiilka.

Waxaana ka mid ah Qandaraasyada la tilmaami karo ee udanbeeyay Wadooyinkii Bosaso ee 4.5-m oo isagu qaatay.

Deni waa Madaxweynihii Labaad oo Qoyskiisu ay Dowlada ku dhex milmaan kuna yeeshaan awood aan Dastuuri ahayn.