Maxay tahay Dacwada looga haysto Kenya Ninka ku guulaystay Kursigii Muudey?

Maalintii Arbacada ee ay taariikhdu ku beegneyd 16-ka bisha February, 2022-ka waxaa magaalada Baraawe ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee HOP 145, taasoo uu ku guuleystay Maxamed Cabdalla Axmed.

Xildhibaan Maxamed waxa uu baddalay Cabdiweli Muudeey oo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ka ahaa baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ee 10-aad, waxaana uu xilkaas xildhibannimada hayay ku dhawaad 20 sano.

Inkastoo Muudeey uu tabasho qabay, uuna sheegay in laga hor istaagay safarkii uu ku tagi lahaa Baraawe, haddana doorashadu waxay ku dhacday jadwalkii loo qorsheeyay.

Wax badan lagama yaqaanno bogga siyaasadeed ee xildhibaanka cusub, oo inta badan loo arko nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya.

Balse dad badan waxa ay magaciisa ku xasuustaan xilli dhowr sano ka hor u si weyn u hadal heysay warbaahinta Kenya iyo qaar ka mid ah kuwa caalamka.

2016-kii, markii ay Soomaaliya isu diyaarineysay doorashada dowladda uu mudda xileedkeeda gabagabada yahay, Maxamed Cabdalla waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaad ay dowladda Kenya doon dooneysay oo wajahayay eedeymo ku saabsan bangi lacaga ku lumeen.

Taliyihii booliska Kenya ee xilligaas, Joseph Boinnet ayaa amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo siddeed qof oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta bangiyada, kuwaas oo uu ku jiray Maxamed Cabdalla, oo ah xildhibaanka shalay lagu doortay Baraawe.

Mas’uuliyiintaas, oo ka kala socday labada Bangi ee National Bank iyo Chase Bank, ayaa loo heystay arrimo la xiriira falal aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxamed Cabdalla Axmed waxa uu xilliga eedeyntaas loo jeedinayay ahaa Agaasimaha Waaxda Farsamada Kumbuyuutarrada ee Bangiga National.

Liiska dadka ay booliska ku raad joogeen dhanka National Bank waxa ay kala ahaayeen:

Muniir Maxamed – Agaasimaha maamulka

Boniface Biko – Agaasimaha fulinta

George Jaba – Madaxa howlaha deymaha

Maxamed Cabdalla – Agaasimaha Farsamada

Wycliff Kivunira – Madaxa maaliyadda

Chris Kisire – Madaxa maaliyadda

Dhanka Chase Bank, waxa ay ahaayeen:

Zuffrullah Khan – Guddoomiye

Duncan Kabui – Agaasimaha maamulka wadajirka

Chase Bank ayaa islamarkiiba albaabbada la isugu dhuftay, warbaahinta maxalliga ahna waxa ay tabinayeen in lacago la lunsaday.

Wali ma cadda in kiiskaas uu ilaa hadda socdo iyo in kale. Balse waxaan dib dambe usoo noqonin bangiga Chase oo kiiskaas bartanka uga jiray.

Isku day aan u sameynay inaan arrimahan wax ka weydiinno xildhibaan Maxamed Cabdalla, nooma suurtagalin, telefoonkiisana kama uusan jawaabin marka ay BBC-da la xiriirtay.

kadib 2016, Maxamed ayaa la sheegay inuu u safray dalka Australia oo in muddo ahba ku noolaa.

Bishii February ee sanadkii lasoo dhaafay, toddobo qof oo uu ku jiray guddoomiyihii hore ee bangigii burburay ee Chase Bank, Maxamed Khan, ayaa wajahayay dacwado dheeraad ah, sida uu qoray wargeyska Business Daily.

Waaxda dacwad oogidda guud ee Kenya ayaa xilligaas bidhaamisay in la helay xog cusub oo ku saabsaneyd in lacagta la xaday ay gaareysay 100 milyan oo doolar.

Xigasho:-BBC