Safiirka iyo Talyaha Africom oo booqday Saldhiga Balidoogle

Safiirka Mareykanka ee Somaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Towsenr,ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka, kuwa Kumaandooska ee Danab.

Sidoo kale waxay wadajir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Jen.Odawaa Yuusuf Raagge.

Kulanka,ayaa looga wada hadlay arrimo ay ugu waa weynaayeen Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Maraykanka,ayaa gacanta ku haya Saldhiga Balidoogle,waxuuna taageero iskugu jirta Tababar,Qalab iyo dhaqaale siiyaa Ciidanka Danab.

PSF oo sidaas oo kale Maraykanku gacanta ugu hayay,ayaa hada meel dhexe kusoo dhacay kadib markii Madaxweyne Deni ay fgaran waayeen Maraykanku.