Video:-Koonfur-galbeed oo soo gabagabaysay Kuraastii lagu dooranayay Baraawe

Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa 26-kii kursi ee deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe maanta soo gabagabeysey.

Cumar Cali Cabdi,ayaa ku guuleystay kursiga HOP035 ka dib markii uu u tanaasuley Musharaxii kula tartamayay kursiga.

Nuurdiin Cabdulaahi Coljoog ayaa ku Guuleystay Kursiga Tirsigiisu yahay #HOP246.

Xamza Saciid Xamza ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12-cod.

Dr Cali Saciid Faqi ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu uu yahay Hop-187 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayey Nuur Cumar aadan uu helay 16-cod.

Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 82-cod halka musharaxii la tartamayey Nuur Cali Nuur uu helay 19-cod.

Halkan ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan