Wasiirka Amniga oo xog la yaab leh ka hor sheegay Gudiga Amniga Ee Baarlamaanka Puntland

Gallan,waxaa uyeeray Gudiga Amniga Baarlamaanka si ay su’aalo uga waydiiyaan Amniga Guud ee Puntland.

Su’aashii ahayd Amniga Bosaso markii la waydiiyay,waxuu ku jawaabay Wasiir Gallan..

“Bosaso 3-maamul,ayaa ka jira mid Xasan Shire,mid PSF iyo mid Shabaab,aniga idinla hadlaya oo Wasiirkii Amniga ah Xasan,waxuu ii diiday 700 oo dolar oo ahayd duug Askari iga dhintay”

Xildhibaan Jaaburi oo ka mid ahaa Gudiga waraysanayay,ayaa si lama filaan ah ugu diray isla goobtiiba Lacagtii 700 ee dolar ahayd kuna yiri Wasiir xir arinkaas wax la sheego ma’ahan.

Xildhibaanada kale waxay uqaateen in Jaaburi ay dhibtay fadeexada Aaran-jaan oo uu arinka diidayay in uu banaanka ubaxo.

Si kastooy tahay Gallan,waxuu Gudiga ku yiri meesha waa ku Qoob xirnaa rabi,ayaa iga soo saaray maalin walba ii yeera su’aashaad rabtaana iwaydiiya.

Ninka saa uhadlayaana waa Wasiirkii Amniga ee Dowlada Puntland.