Yaa ka danbeeya hurinta colaada Sangajabiye Ee Beelaha Walaalaha ah?

Colaada Sangajabiye ee udhaxaysa Beesha Maxamed Ugaar iyo Beesha Dhulbahante,waxaa fashilinaya soo afjarideeda Kooxda Aaran-jaan.

Ujeedka Aaran waa Shan ujeedo oo ka dhan ah Beesha Maxamed Ugaar,kuwaasoo kala ah..

1.In Beesha Maxamed Ugaar la geliyo colaad si aysan fursad ugu helin Siyaasiyiintoodu loolanka Doorashada soo socota ee Madaxweyne.

2.In Beesha Maxamed Ugaar oo ah mida xigta darafyada Beelweynta Ciise Maxamuud laysku dhufto Beelaha dariska ah.

3.In Beesha Maxamed Ugaar iyo Beesha Dhulbahante xumaan gaar ah lakala dhex dhigo si beri Siyaasiga Beeshaas kasoo jeeda uusan cod uga helin Xildhibaanada Dhulbahante.

4.In la ceebeeyo Beesha Maxamed Ugaar oo Beelaha kale ee reer Puntland loo tuso waxaan waxba hogaamin karin oo mudan in layska ilaaliyo.

5.In Beesha Maxamed Ugaar ay colaadahaas ku jabto kuna waydo dhaqaale iyo Rag kadibna ay lumiso miisaankeeda.

Isku soo wada duuboo Beesha Maxamed Ugaar haldoorkeedu waa in uu istaagaa oo ka hortagaa khatarahaas,isla markaana ay xajistaan doorkooda.

Jibril Qoobey.