Gudiga Doorashada heer Fadaraal oo laba garab ukala jabay

Warqadii lagu hakinayay tartanka Kursiga Fahad Yaasiin usharaxan yahay,waxay kasoo baxday garab ka mid ah Gudiga Doorashada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Muuse Geelle.

Rooble,ayaa ka dalbaday Muuse in uu joojiyo tartanka Kursigaas,balse dood,ayaa ka dhalatay keentay in Gudigu kala jabo.

Markii Gudoomiye Geelle xalay Warqada amray in la shaaciyo,ayaa waxaa bartii FC la wareegay garabkii kale ee diidanaa hakintaas,waxayna soo geliyeen Warqad ay ku beeninayaan.

Ilaa iyo hada warcad majiro balse waxaa la ogaaday in Gudiga Doorashada heer Fadaraal kala jabay.

Gudiga Doorashada Hirshabelle,isagu waxuu ku adkaysanayaa in tartanka Kursigaas furan yahay.

Beledweyne,waxaa diyaarad lagu geeyay saakay ilaaladii iyo Ergadii dooran lahayd Fahad Yaasiin.

Jibril Qoobey.