Ilaaladii iyo Ergadii dooran lahayd Fahad oo Beledweyne laga dajiyay

Gudiga Doorashooyinka heer Federaal,ayaa bartooda ka saaray Warqad lagu sheegay in la hakiyay tartanka Kurisiga Hop #086,kaasoo ah kan Fahad Yaasiin utartamayo.

Sidoo kale Gudiga Doorashada ee Hirshabelle,ayaa diiday go’aanka ku qornaa Warqadaas,waxayna cadeeyeen in kursigaas la qabanayo tartankiisa.

Dhanka kale diyaarad siday Ciidamo badan oo ilaalo gaar ah u ah Fahad Yasiin taliyihi hore ee NISA hadana u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay Hop#086,ayaa Ka dagtay Garoonka diyaraadaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Laba Diyaaradood oo kale,ayaa geeyay Beledweyne Ergadii dooran lahayd Fahad Yaasiin kuwaasoo la dajiyay goob amaan ah oo horay loogu diyaariyay.