Video:-Maraykanka oo markale xaqiijiyay in Ruushku weerarayo Ukrain

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcaha maanta ah u ballansan uu hogaamiyeyaasha dalka ku jira gaashaabuurta NATO uu kala hadlo xiisadda ka jirta Ukraine. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynuhu uu hogaamiyeyaashaas ogeysiin doono dadaallada Maraykanka ee diblomaasiyadeed iyo kuwa ka-reebidda ee in Ruushku uu fal ku kaco.

Khamiistii shalay ayaa Biden yiri “aad bay u sarreysaa” suurto galnimada in Ruushku weerari doono Ukraine dhowrka maalmood ee soo socda.

Isaga oo la hadlaya warfidiyeenno Aqalka Cad ku sugnaa ayuu yiri “Waxaa jira sababo aan ku rumeysanayno inay diyaarinayaan hawl mar-marsiiyo ah si duullaan ay sabab ugu helaan. Waxa uu intaas raaciyey “Tilmaan kasta oo aan hayno waa in ay diyaar u yihiin in ay Ukraine weeraraan oo galaan.” Waxa uu yiri “Dareenkeygu waa in dhowrka maalmood ee soo socda ay taasi dhici doonto.”

Halkan ka daawo muuqaalka