Waa sidee xaalada Amaan Ee Deegaanka Somali Galbeed?

Hoggaanka nabadgelyada DDS oo sheegay in Deegaanku uu ka jiro amni dhammaystiran.

Hoggaanka nabadgelyada DDS Mubashir Dibbad Raage oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaan Deegaanka Soomaalida uu ka jiro amni dhammaystiran, islamarkaana ay socdaan qorshayaal lagu xoojinayo amniga guud.

Dhanka kale, Hoggaanka nabadgelyada DDS ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallo u dhaxeeya Deegaanka Soomaalida iyo Deegaanka Canfarta oo ku aaddan xallinta muranka dhanka xudduuda ee u dhaxeeya labada deegaan isaga oo xusay in wada-hadalladan ay gadhwadeen ka tahay dowladda dhexe.

Xilli uu ka hadlayay xaaladda amni ee degmada Aw-barre waxa uu sheegay in la xalliyay falkii dhowaan ka dhacay degmada, islamarkaana baadhitaanno ay socdaan, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay ammaanka ilaaliyaan.

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in dowladdu ayna ogolaan doonin in la abaabulo falal amniga lid ku ah, balse ayna dhici doonin wax cabudhin ah oo xilligan ka jirta Deegaanka, isaga oo ugu yeedhay bulshada in laga shaqeeyo ilaalinta amniga midnimada Soomaalida Deegaanka.