Agaasimaha Bangiga Aduunka Ee Wadamada Afarta ah oo booqday Jig-jiga

Hoggaaminta Deegaanka iyo kuwa Bangiga Adduunka,ayaa isla-meel-dhigay in si gaar ah ay uga wada shaqeeyaan horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee bulshada Deegaanka.

Masuuliyiintii ay hoggaaminayeen Ousman Dione, Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka ee wadamada Itoobiya, Sudan, Eritrea iyo South Sudan iyo Wasiiru Dawlaha Maaliyada dalka marwo Samereta sewasew
ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay deegaanka ku yimaadeen ee ay ku indha-indhaynayeen xaaladda abaaraha iyo mida horumarkaba.

Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar,ayaa uga mahad-naqay wafdiga taageerada dhanka jawaab-celinta abaaraha iyo ka qaybqaadashada horumarka Deegaanka Somalida.

Waftiga iyo hoggaaminta DDS waxay isla garteen in ay si gaar ah ay uga wada shaqeeyaan adkaynta nidaamka dawligga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee sida,magaalooyinka, Beeraha iyo Biyaha.

SRTV Somali