Dowlad Deegaanka oo Xabad joojin dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay Balanbale

Waxaa salka loo dhigay xabbad-joojintooda labo qabiil oo walaalo ah oo dhowaan khilaaf ku dhex-maray dhul-daaqsimeedka Harare ee degmada Shilaabo ee Gobolka Qorraxey ee dhaca xudduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Deegaanka Soomalida, gaar ahaan Degmooyinka Shilaabo, Balanbal iyo Guri-ceel.

Nabadaynta labadani qabiil oo qaadatay muddo 10 cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-qaadanayay Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee DDS, gaar ahaan guutada 3aad ee fadhigeedu yahay Gobollada Qorraxey iyo Doollo, la-taliyayaash madaxweynaha DDS ee dhanka nabadgelyada, Baddel Xiis iyo Xirsi Dool, masuuliyiinta Gobolka Qorraxey, kan Degmada Shilaabo iyo masuuliyiinta iyo Ciidammada Degmooyinka Balanbal iyo Guri-ceel ee Maamul-goboleedka Galmudug Somaliya,Odayaal-dhaqmeedka labada dhinaca iyo ergooyin kale.

Waxaana lagu heshiiyay ugu dambayntii qodobbadan hoos ku xusan:

  1. In ciddii wax disha ama dhaawac geysata kuna xad-gudubta nabadeynta labadani qabiil wadar ama shaqsi ha u gasho danbiga ee la soo qabto dowladdana gacanta laga soo-geliyo isaga iyo hubkii uu fal-danbiyeedka ku galay.
  2. Danbiilaha waxaa lagu keenayaa muddo 10 cisho ah haddii la keeni waayo waxaa loo qabanayaa ehelkiisa iyo odayaashiisa, waxa ayna dowladdu la wareegi hantidiisa waana la moora-duugi.
  3. Aagga lagu dagaallamay waxaa la wareegi Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee DDS. Ciddii lagu arko iyada oo qori wadata waa la qaban qorigiisana dowladda ayaa la wareegi.
  4. Waa in ay labada qabiil ka fogaadaan goobta uu khilaafku ka dhacay kuna sugnaadaan goobihii ay hadda kahor degganaayeen inta ay kalsoonidii hore soo noqonayso.
  5. Beesha gaysata fal dhimasho ah waxaa lagu ganaaxayaa 500,000 oo Birr oo lagu wareejinayo DDS iyo hubkii falka lagu geystay.
  6. Beesha geysataa iyadana dhaawac waxaa lagu ganaaxayaa 250,000 oo Birr iyo hubkii lagu geystay fal-danbiyeedka laguna wareejinayo DDS.
  7. Ugu dambayntii waxa ay dowladdu u aqoonsan doontaa beesha jabisaa heshiiskan iyo xabad-joojintan fidmo-wadeyaal lid ku ah nabadda Deegaanka iyo beelaha walaalaha ah.

Gabo’gabadii waxa ay odayaasha labada dhinac qalinka ku duugeen qodobbadan sare ku xusan, waxaana la isla qaatay in muddo 15 cisho gudahood ah ay Odayaasha Labada beelood ay iskugu yimaaddaan magaalada Qabridahar si go’aanka kama-dambaysta ah ee lagu soo af-jarayo khilaafkaasi loo gaaro.