Gudiga Doorashada Fadaraalka oo waxba kama jiraan ka dhigay Kursiga Fahad Yaasiin

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray.

DOORASHADA 5ta KURSI EE BELEDWEYNE…

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada 5-tii kursi ee maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee deegaan Doorashada 2aad ee Hirshabelle, waxaa ku soo baxay:

1-HOP#015 Xiis Xasan Aadan

2-HOP#008 Maxamed Deeq X.Cumar.

3-HOP#274 Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux).

4-HOP#109 Cabdifataax Qaasim Maxamuud.

5-HOP#074 Cabdikariim Cumar Xuseyn.