Madaxweyne Deni iyo waftigiisii oo si weyn loogu soo dhaweeyay Waaciye

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay dadweynaha soo dhoweeyay, uga mahadceliyay soo dhoweynta wuxuuna la wadaagay shaqada Wanaagsan ee dalka ka socota sida dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland iyo qorshaha cusub ee Dowladdu ku horumarinayso Dekadda Boosaaso.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND