Cabdirishiid Xiddig oo shahaadada musharaxnimada Kismaayo ka qaatay

Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Xiddig ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada kursiga tirsigiisu yahay 072 oo uu horey ugu fadhiyay.

Kursigan ayuu ka jirey tartan adag, waxaana horey u shaaciyay in uu u tartamayo la taliyaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage, oo sidoo kale horey la taliye u ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Balse waxa ay hadda u muuqataa in Cabdi Cali Raage uusan tagin Kismaayo, islamarkaasna uusan ka mid ahayn dadka isu diiwaangaliyay musharaxnimada.

Cabdirishiid,ayaa waxa haatan kursiga kula loolamaya Nin aanan aad loo aqoonin oo lagu magacaabo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi.

Cabdirishiid Xidig oo horey mar ugu tartamay kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mar hore warbaahinta ka sheegay in kursiga xildhibaanimada uu kula loolamayo madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.