Doorashada Gobolada Waqooyi oo lasoo afmeeray

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.

Maanta waxa la doortay saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Golaha Shacabka.

Doorashadu waxay qaadatay saddex billood iyo 20 maalmood.

46 xildhibaan ayaa la doortay kuwaas oo Gobollada Waqooyi ku matali doona Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

23 xildhibaan ayaa ku cusub Barlamaanka, halka 23 kale ay horey uga tirsanaayeen Golaha.

46 xildhibaan ee la doortay waxa dumar ka ah 13.

Rooble,ayaa sidoo kale Dowlad-goboleedyada kale ee Dalka ku boorriyay in ay doorashada Xildhibaannad deg-deg u soo gebagabeeyaan.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobollada Waqooyi ayaa noqonaya Guddigii ugu horeeyay ee soo gabagabeeya doorashada xildhibaannada ee Gobollada, kahor waqtiga loo qabtay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo oo ah 26 ka bishan Febraayo.