Qarax lala Eegtay Waftiga Madaxweynaha Puntland

Inta la xaqiijiyey Laba Askari ayaa ku geeriyooday ilaa Afar kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii Qarax Miino dhulka lagu aaso ah lala eegtay baabuur ciidan oo kamid ah weftiga madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qaraxa,ayaa la sheegay inuu ka dhacay aga-gaarka Ex.Kaantarool oo ah afaafka laga soo galo magaalada Bosaso oo ay marayeen waftiga Madaxweynaha Puntland.

Al-Shabaab,ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxa kolonyada Madaxweyne Deni ee la-gula eeg-tey Boosaaso.