Shirweyne Qaran oo looga xaajoonayo Abaaraha oo ka furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusyen Rooble,ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo diiradda lagu saarayo sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ba’an ee dalka ka jira.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Dowald-goboleedyada, Midowga Musharixiinta , siyaasiyiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada.

Ujeedka Shirkan,ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii shacabka Somaliyed uga qeyb qaadan lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Somaliyed ee abaartu hayso.