Video:-Sidee loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Deni iyo weftigii uu hogaaminayay Bosaso?

Boosaaso: 21 February 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa Bulshada reer Boosaaso ugu baaqay ka shaqeynta amniga iyo horumarka, isagoo la wadaagay qorshaha cusub ee lagu horumarinayo Dekadda Boosaaso, dhismaha Shirkadda Korontada Puntland, dhismaha iyo dayactirka ay Dowladdu ku wado Wadooyinka Gobollada Puntland iyo ka qeyb qaadashada waxqabadyada Isku tashiga ku dhisan sida Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka