Cunaqabatayn lagu soo rogay Dalka Ruushka

Dowladaha reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Britain ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqaan cunaqabateyn dheeri ah oo ka dhan ah Ruushka.

Arrintan ayay Galbeedku uga jawaabayaan tallaabadii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Isniintii ku ictiraafay madaxbannaanida gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Ingiriiska ayaa durbaba billaabay cuna-qabateynta ka dhanka ah Russia, isaga oo goor dhaweyd xayiraaad saaray shan banki iyo saddex maal-qabeen oo Ruush ah.

Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo scoda uu ku dhawaaqo cuna-qabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka.

Midowga Yurub,ayaa iyana qaadi doona tallaabo taas la mid ah.