Halkee Al-Shabaab ka helaan Hubka?

Halkee Al-Shabab ka keenaan Hubka?

Samiira Axmed Geydh oo ah agaasimaha guud ee machadka Hiraal,ayaa sheegtay in Shabaab ay Hubka ku helaan siyaabo kala duwan.

Samiira,ayaa farta ku fiiqday in waxyaabaha warbixinta ay ku ogaadeen ay ka mid tahay in Sahabab ay u sahlan tahay inay Hubka helaan.

Waxaa ay sheegtay in Hubka intiisa badan ay shabab ka helaan dalka Yemen islamarkana dhanka badda loo soo soo mariyo.

“Hubkooda saddex meel ayuu ka soo baxaa meesha kowaad waa Yemen oo hubka badan ka yimaada oo waxay isticmaalaan badda,” ayay tiri Samiira.

Samiira Axmed Geydh,ayaa intaa ku dartay in qaababka kale ee ay Al-Shabab hubka ka helaan ay ka mid tahay iyaga oo suuqyo madow oo ku yaalla guadaha dalka ka iibsada iyo waliba hubka ay ka furtaan Amisom marka ay xerooyiinkooda weeraraan.

“Suuqa madow ee Somaliya gudaheeda way ka iibsadaan laakiin saas uma tiro badno tan saddexaadna waa hubka ay helaa marka ay weeraro gaadmo ah ku qaadaa saldhigyada AMISOM,” ayay intaa ku dartay.

Samiira Axmed Geydh,ayaa farta ku fiiqday in Al-shabab ay sanadkii uruuriyaan lacag dhan 180-milyan oo dolar,islamarkaana lacagtaasi inta badan ay u adeegsadaan iibsashada Hubka iyo arrimaha Ciidamada.