Intee le’eg tahay awoodda Hub Ee Al-Shabaab?

Machadka cilmibaaridda ee Hiraal ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray waxaa faahfaahin looga bixiyay qaabka ay Al-shabab hubka ku helaan iyo inta u dhan yahay dhaqaalaha ay habab u adeegsadaan hubka iyo ciidanka.

Warbixinta oo ahayd mid ku saleysayd xog uruurin uu machadka sameeyay ayaa sheegaysa in Al-shabab ay sanad walba iibsadaan hub tira badan.

Cilmibaaridda uu soo saaray michadka Hiraal ayaa lagu xusay in Shabaab ay adeegsadaan hubka fudud iyo midka clus intaba.

Hubka fudud ee ay al-Sabab haystaan ayaa waxa u badan qoriga AK47 oo ah nooc uu Ruushku sameeyay.

Waxaa sidoo kale sida warbixinta lagu xusay ay Shabab ay adeegsadan hubka hoobiyayaasha loo yaqaano iyo qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaano PKM.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in Shabab ay haystaan hubka culus oo xitaa mararka qaar loo adeegsan karo diyaaradaha.

Machada ayaa waxay wareysiyo ka qaadeen dad horey uga tirsanaa AlSshabab, ganacsato, odayaal dhaqameed iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda federaalka.

Diyaaradaha Dronis-ka.

Sida ku cad warbixinta uu soo saaray machadka Hiraal, Al-shabab waxaa sidoo kale muddooyiinkii u dambeeyay ay awood u lahaayeen adeegsiga diyaaraha aan duuliyaha lahayn e Droniska loo yaqaano.

Warbixinta ayaa lagu yiri” waxaa jira cadeymo muujinaya in ay al-shabab heleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

Balse sida warbixinta lagu xusay Shabab diyaaradahani uma adeegsadaan weeraro balse waxaa la rumeysan yahay inay u adeegsadaan uruurinta xogaha.

Waxa ay diyaaradahani Dronis-ka u adeegsadaan sidii ay xogo uga heli lahaayeen saldhigyada ciidamada Amisom iyo kuwa ciidammada dowladda.

Warbixinta ayaa lagu xsuay in Shabab ay isku dayeen in ay hub ku rakibaan diyaaradahan Dronis-ka. Balse ma jirta weeraro ay ku filiyeen iyadoo isticmaalaya diyaaradahani.