Ruushka oo si buuxda ugu aqoonsaday Dal Gobolada Bari Ee Ukrain

Ciidammada Ruushka ayaa lagu amray inay labada gobol ka fuliyaan waxa loogu yeero “howlgal nabad ilaalin ah”.

Wararka ka imaanaya gobolka Donetsk oo ka mid ah labada gobol ee ka go’ay bariga Ukraine ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo gaashaaman oo Ruushku leeyahay lagu arkayay gudaha magaalada ugu weyn.

Amarkan,ayaa waxaa bixiyay madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya cambaareynta loo so jeedinayo go’aankii madaxwayne Putin ee uu labada gobol Donetsk iyo Luhansk ugu aqoonsaday dalal madaxbanaan.

Aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa sheegay in Putin uu go’aankaas ku wargeliyay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka.

Madaxwaynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad jeediyay xalay ayaa dhankisa ku tilmaamay tallaabada Ruushka ku xad-gudb sharafta iyo madax-banaanida dalkiisa.

Bilowgii shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay Ukraine ayaa danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay waxay uu sheegay in dunidu aysan indhaha ka qabsan cadaawada Ruushak ee ka dhanka ah Ukraine.

Waddamada Galbeedka,ayaa marar badan uga digay Ruushka inuu dalal madax bannaan u aqoonsado Gobolladaas, waxaana la filayaa in tallaabadan ay soo xirto albaabka wadaxaajoodka.