Suldaanka Beesha Dubeys oo ka hor istaagay Wasiir Jamaal Kursiga Xildhibaanimo

Kulan usocday ilaa Xalay Guurtida Beesha Dubeys oo uu shir Gudoominayay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan,ayaa si rasmiya u go’aamiyay in kursiga Hop#169 laga wareejiyo jifida Wasiir.Jamaal Maxamed Xasan.

Guurtida,ayaa kursigaas u xirtay jifida Reer Maxamed Cumar ee Beesha Dubays.

Jamaal,ayaa horay si musuq maasuqa uga faramaroojiyay Kursigaas Jifidii haysatay.

Jamaal,ayaa ku sugan Bosaso,isagoo kawada olale u eg kacdoon shacabka looga horkeenayo maamulka.