Itoobiya oo Bangiyadeeda u fureysa maalgashadayaasha caalamiga ah

Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay ganacsigeeda bangiyadeed u furto tartan shisheeye sida ugu dhakhsaha badan marka uu baarlamaanku meel mariyo siyaasadaha oggolaanaya maalgashiga caalamiga ah, sida uu sheegay Abiy Axmed, isaga oo tilmaamayay dib u habeyntii ugu dambeysay ee dhaqaalaha Itoobiya.

Ra’siul Wasaare Abiy Ahxmed ayaa markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018, waxa uu ballan qaaday in uu dib u habeyn weyn ku sameyn doono qeybaha isgaarsiinta iyo maaliyadda.

Tallaabooyinka lagu furayo qaybta isgaarsiinta ayaa socday dhawaanahan, iyadoo shirkadaha helay shatiyada shaqaqda sanadkii hore ay ka mid yihiin Safaricom Kenya, Vodacom oo South Africa laga leeyahay, Vodafone oo ay leedahay Britain iyo shirkadda Sumitomo ee laga leeyahay Japan.

Waxa uu sheegay Abiy, in dowladdu ay hadda diyaarinayso siyaasad wax ka bedesha nidaamka bangiyada marka shuruudo horudhac ah la helo oo bangiyada la diyaariyo.

Itoobiya ayaa waxaa hadda ka howlgala 18 bangi oo laba ka mid ah ay dawladdu leedahay, sida uu sheegay bangiga dhexe.

Reuters