Mocalimuu oo Dalka dib ugu soo laabtay Qaraxii kadib

Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahin Macallimuu,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga looga soo daaweyay dhaawac ka soo gaaray qarax argagixiso oo lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii argagixisadu la beegsadeen, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.