Video:-Putin oo ku hor bahdilay caalamka madaxa sirdoonka dalkiisa

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa ku qadqaaday madaxa sirdoonka dalkaas xilli uu madaxweynaha kulan la lahaa saraakiisha ugu sarreysa amniga xilli ay ka hadlayeen aqoonsiga gobollada ay heystaan kooxaha gooni u goosadka ee Ukraine.

Markii madaxa sirdoonka Ruushka uu la wadaagay aragtidiisa ku aaddan xaaladda haatan jirta, Putin wuxuu ku celceliyay inuu caddeeyo waxa uu sheegayo, wuxuu ka codsaday dhowr jeer in waxa uu ka hadlayo uu sharraxaad ka bixiyo.

“Sergei, hadalkaaga caddee, caddee waxa aad sheegeyso,” ayuu marar badan ku celceliyay Putin xilli uu socday shirka.

Madaxa sirdoonka Ruushka ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la dhaqan geliyo waxa looga hadlay shirka, dhinaca kale, Putin oo indho kulul ku eegayay sarkaalka ayaa ku yiri, “Maxaad ugala jeedaa arrintaas? ma waxaad ugala jeedaa in aan bilaabno wadahadallada?

Sarkaalka ayaa ku jawaabay, “Maya ama waa in aqoonsanaa madaxbanaanida”

Putin oo ay hortiisa fadhiyeen saraakiisha amniga xilli uu taliyaha sirdoonka ka hadlayay goobta wuxuu ku yiri, “Hadal, hadal, si cad u hadal miyaan taageeri doonaa madaxbaannida.”

“Waxaan taageeraya qorshaha soo jeedinayo in la taageero aqoonsiga gobollada” ayuu yiri madaxa sirdoonka.

Putin ayaa u muuqday in uu ka carooday markii madaxa sirdoonka uu sheegay in uu taageerayo gobollada ku yaalla bariga Ukraine ay heystaan mucaaradka in lagu soo daro doono Ruushka.

“Waxaan taageeraya go’aanka gobollaa Donestk iyo Luhansk loogu soo darayo jamhuuriyadda Ruushka” ayuu yiri Sergei.

Putin,ayaa ku gacan seyray taliyaha isla markaana sheegay in arrintaas aysan ka hadleyn.

“Kama hadleyno arrintaas, waxa haatan nala gudboon oo aan ka hadleyno ayaa ah, ma waxaa aqoonsannaa madaxbanaanidooda gobollaadaasi iyo in kale” ayuu yiri Putin.

“Haa waan taageersanahay qorshaha taageeridda madaxbanaanida gobolladan” halka Putin uu ugu jawaabay, “Waa arrin fiican, fadhlan fariiso.”

Halkan ka daawo muuqaalka