Waa sidee xaalada Maanta Ee Bosaso?

Bosaso waxay ku jirtaa maalmihii ay ugu camirnayd uguna quruxda badnayd.

Si gaar ah Maalmahan oo ay Siyaasadii Puntland usoo wareegtay,iyadoo horayna u ahayd xaruntii Ganacsiga.

Balse guud ahaan Bulshada Somaliyed waa Danyar inteeda badan,waxaana sii jira caqabado Maamulka Deni sababay,balse uma xuma guud ahaan Somaliya markii lagu
Qiimeeyo.

Dadku aad bay ugu farxeen imaanshaha Madaxweynaha hadana waxay walwal ka qabaan in xal kama danbaysa laga gaari waayo xaaladaha taagan.

Shacabku,waxuu rabaa oo isha ku hayaa in laga soo afjaro arinka PSF si kama danbaysa.

Bosaso waa magaalada ugu muhiimsan guud ahaan 51-Degmo ee Puntland.

Waa Magaalo aan laga lahayn Qof walba oo Somaliyed,gaar ahaan Puntlander ah oo uusan qalo ku dareemayn.

Madaxweyne Deni,waxaan looga fadhiyaa tanaasul in uu ka muujiyo wax walba oo ay ku badbaadayso Bosaso.