Laftagareen oo si cad uga hor yimid in Garbahaarey laga wareejiyo Doorashada

Warar dheeriya,ayaa laga helayaa Shirkii Zoom-ka ee Madaxda Wadatashiga Qaran.

Wararka,ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jubbland Axmed Madoobe uu ka sheegay kulankii Zoom-ka in aan amaanka Garbahaarey la isku haleyn karin.

Axmed Madoobe,ayaa Golaha usheegay in laga fakaro halka lagu qaban lahaaa doorashada Xildhibaanada.

Madaxweyne Lafta-Gareen,ayaa ka hor yimid soo jeedinta Axmed Madoobe,waxuuna yiri..

“Ma aqbaleyno,qaybna kama noqoneyno hadii doorashada magaalo aan Garbahaarey ahayn lagu qabanayo”

Wali war sugan oo dhammaystiran lagama hayo,waxii ay iskaga raaceen arinkaas,maadaama ay isku daaheen.