Muxuu uga gaabsaday Maraykanka dagaalka Ukrain Militeri ahaan ?

Madaxweyne Joe Biden waxa uu dadaallo aad u xooggan oo dhanka diblomaasiyadda ah u sameeyay si uu uga hortago farogelin uu Ruushka ku sameeyo Ukraine.

Maamulkiisu waxay digniino aad u clus ka jeedinayeen in Ruushka uu xoog ku gali rabo dalkaas – taasoo run noqotay – waxa ayna ku dhawaaqeen in tallaabadaasi ay khatar gelineyso xaaladda guud ee caalamka.

Balse Mr Biden waxa uu sidoo kale caddeeyay in Mareykanku aysan dooneynin in uu dagaal galo, inkastoo ay sida cad ay Ruushka diyaar u yihiin dagaal.

Intaas waxaa sii dheer in Biden uu meesha ka saaray inuu ciidamo Mareykan ah u dirayo Ukraine si ay usoo badbaadiyaan muwaadiniinta Mareykanka ah, haddii ay xaaladdu heerkaas gaadho. Waxaa uu xitaa soo bixiyay la taliyeyaashii militeriga Nareykanka ee ku sugnaa Ukraine iyo kormeerayaashiiba.

Haddaba muxuu xariiqinta casaanka ah u mariyay arrintan ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee ugu saameynta badneyd xilliga uu madaxweynaha yahay.

Saameyn kuma laha amniga qaranka Mareykanka”

Tan ugu horreysa waa in Ukraine aysan deris la ahayn Mareykanka. Kuma taallo meel xad la leh Mareykanka. Mana martigeliso saldhig militeri oo uu Mareykanku leeyahay. Ma laha keyd saliid oo istiraatiiji ah, mana ka mid aha xulafada waaweyn ee xiriirka ganacsiga la wadaaga Mareykanka.

Hase yeeshee, in xaaladdu aysan saameyn ku lahayn amniga qaranka Mareykanka kama hor istaagin madaxweyneyaashii hore in ay dhiig iyo hantiba u huraan waddamo kale.

Sanadkii 1995-kii, Bill Clinton waxa uu farogelin militeri ku sameeyay dagaalkii daba socday burburkii Yugoslavia.

Bishii October ee sanadkii 2011-kiina, Barack Obama waxa uu sidaasoo kale sameeyay markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dalka Liibiya, inkastoo labada jeerba ujeeddada ugu weyn ay ahayd mid la xiriirta dhinaca dhinaca bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.

Sanadkii 1990-kii, George H W waxa uu marmarsiiyo u helay ololihiisii caalamiga ahaa ee uu Ciraaq uga saaray markii ay qabsatay Kuwait, isagoo ujeeddadiisu ahayd in uu ilaaliyo sharciga caalamka.

La taliyeyaasha Biden waxay adeegsanayeen luuqad taas la mid ah marka ay ka hadlayeen sida uu Ruushku khatar ugu yahay kala nidaamka iyo nabadda adduunka.

Balse waxay ku talinayeen in jawaabtu ay noqoto mid dhanka dhaqaalaha ah oo cunaqabateyno loogu rogayo Ruushka, mana aysan dooneynin in tallaabo militeri la qaado.

Biden ma jecla in uu farogelin caalami ah sameeyo.

Arrintani waa mid ku saabsan shakhsiyadda gaarka ah ee madaxweyne Biden oo aan raalli ka ahayn in faroelin la sameeyo.

Haddii uu oggolaadayna, waxay soo martay marxalado badan. Waxa uu taageeray farogelintii militeri ee uu Mareykanku 1990-meeyadii ku sameeyay dagaalladii beelaha la xiriiray ee ka dhacay Balkans.

Waxa uu sidoo kale u codeeyay tallaabadii uu Mareykanka dagaalka ugu qaaday Ciraaq, sanadkii 2003-dii. Balse tan iyo xilligaas wixii ka dmabeeyay waxa uu badiyay walwalka uu ka qabo in Mareykanku uu adeegsado awood militeri.

Waxa uu kasoo horjeestay go’aankii uu Obama ku farogeliyay Liibiya iyo sidoo kale kordhinta ciidamadii joogay Afghanistan.

Waxa uu si joogto ah oo xooggan u difaacaa tallaabadii uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray dalka Afghanistan, sanadkii lasoo dhaafay, xilli ay xitaa jirtay cabsi laga qabay in ay dhacaan xasarado bani’aadannimo.

Sarkaalkiisa ugu sarreeya dhinaca diblomaasiyaddana, oo ah wasiirka arrimaha dibadda, Antony Blinken – ahna “ninka dhegta wax ugu sheega” Biden oo siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweynaha soo garab taagnaa wax ka badan 20 sano oo uu la shaqeynayay – waxa uu isagana qeexay in danaha qaranka ay diiradda ku saarayaan la tacaalista isbaddalka cimilada, dagaalka ka dhanka ah cudurrada caalamiga ah iyo tartanka ay kula jiraan Shiinaha ee ku sabasna dhanka farogelinta militeriga.

Dadka Mareykanka ahna ma doonayaan dagaal”

Ra’yi aruurin ay dhawaan sameysay AP-NORC ayaa lagu ogaaday in 72% ka mid ah shacabka ay sheegeen in Mareykanka uu door yar uun ka qaato dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ama uusan ku lug yeelanin gebi ahaanba.

Waxay xoogga saarayaan shacabku sidii looga caawin lahaa dhanka jeebka, gaar ahaan ka hortagista sicir bararka, arrintaas oo ah mid uu Biden maskaxda ku hayo hadda oo loo dhowy yahay kala barka waqtigii la doortay iyo waqtiga ka dhiman doorashada xigta.

Marka laga eego dhanka siyaasadda arrimaha dibaddana, Senator-ka xisbiga Jamhuuriga ee lagu magacaabo Marco Rubio ayaa sheegay in dagaal dhex mara labada dal ee ugu awoodda badan dhinaca nuclear-ka uusan u wanaagsaneyn dunida.

Halista ku aaddan in dalalka ugu awoodda badan ay isku dhacaan
Taasi waa meesha ugu dambeysa – Putin waxaa bakhaar uga buuxa madaxyada hubka nuclear-ka.

Biden ma doonayo in uu kiciyo “Dagaalka Adduunka ugu weyn” taasoo ah in ay si toos ah Ukraine ugu dagaallamaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka, taasina mar walba wuu caddeynayay.

“Tani lama mid aha sida inaan la tacaaleyno koox argagixiso ah,” ayuu madaxweynaha ku yidhi wareysi uu horaantii bishan siiyay warbaahinta NBC. “Waxaan la tacaaleynaa mid ka mid ah waddamada ugu awoodda badan caalamka. Arrintani waa xaalad aad u adag, wax kasta si deg deg ah ayay isu baddali karaan.